-
FEATURE
- Length 04:01
File Size 219.95 MB -
Download
VIDEO WITHOUT TITLES
VIDEO
GET EMBED CODE
- Length 04:01
Itoobiya: Jirdil Ka Dhaca Xabsiga Deegaanka Soomaalida
Saraakiil Sarsare Oo Lagu Helay Tacaddiyo Aan Joogsi Lahayn
Wednesday 04 July 2018
(Nairobi,
Luuliyo 5, 2018) – Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan
si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga
deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, Human Rights Watch
ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Waa in Ra’iisal
wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, uu degdeg u amro baaritaanno lagu
sameeyo xaaladda argagaxa leh ee xabsigaasi, waa in dowladda ay xaqiijiso in
xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo
dembiyaasi.
Warbixinta
oo ka kooban 88
bog, cinwaanna looga dhigay, “Waxaanu Nahay Sida Meydka’: Jirdilka iyo
Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad
Deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa sharraxaysa xadugudbyo arxan darro ah,
jirdil, kufsi, iyo ceebeyn, ayadoo aanay maxaabiista inta badan helin daryeel
caafimaad, la kulamidda ehelkooda iyo qareennadooda halka mararka qaarna loo
diiddo cunnada. Waxaa tacaddiyadaasi qeyb ka ah ilaalada xabsiga oo ay ka mid
yihiin ciidanka sida milateriga u tababaran ee Liyu booliska. Ciidankan ayaa si
toos ah u hoos taga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud
Cumar, oo loo yaqaan Cabdi Illey. Inta badan maxaabiista ayaa ah dad lagu
eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka ONLF ee laga mamnuucay Itoobiya, balse
intooda badan laguma soo oogin dacwad ama lama horgeyn maxkamad.